U bood dhigaalka

Shacabka Magaalada Garoowe Oo Iska Soo Uruuriyay Lacago Ay Ku Caawinayaan Dadka Abaarta Ku Hayso Puntland

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa iska soo uruuriyey lacag ay ku caawinayaan dadka ay saameeysay abaarta Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada ku dhow magaallada Garoowe.

Lacagtaan ayaa tiro ahaan gaaraysa 20 Milyan oo Shilin Soomaali ah, waxaana ay ku wareejiyeen gudoomiyaha magaalada Garoowe si lacagtaasi u gaarsiiyo dadkii loogu tala galay.

Xaawo Maxamed oo loo soo wakiishay lacagtan ay xaafadahan iska soo uruuriyeen ayaa ku wareejisay gudoomiyaha degmada, waxayna sheegtay in qarash ahaan ay aad u yartahay balse mar walbo shacabka ay doonayaan in sidan oo kale ay kaalintooda uga qaataan caawinta walaalahooda dhibban.

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Garoowe C/qafaar Cabdiraxmaan Axmed, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay dadku iney is caawiyaan oo beesha caalamka aan waxba laga sugin.

Waxa uu tilmaamay in deeqaha caalamka ka yimaada aanay ahayn mid dowlad kaligeed dhiibta balse shacabka wadamadaasi ay iska soo uruurin jireen isaga oo shacabka Garoowe ku dhiira geliyay tallabadan ay qaadeen.

Ugu dambeyn Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ah gudoomiyaha degmada Garoowe oo lacagtaasi la wareegay ayaa sheegay in lacag dhan 40 Milyan oo shilin Soomaali ah ay ka maamul ahaan ku darayaan lacagta loo keenay.

Wadarta Lacagtaan la’isku daray ayaa noqoneysa 60 Milyan oo shilin Soomaali ah, waxaana lagu gar gaari doonaan shacabka ay abaarta ku hayso deegaanno ku dhaw magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Deegaanno badan oo ka tirsan Puntland waxaa xilligaan ka jirta abaar daran oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News