U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Aragti Kala Duwan Ka Dhiibtay Sharciga Isgaarsiinta

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen sharciga Isgaarsiinta oo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkaan oo u waramay Goobjoog News ayaa ku kala aragti duwanaa muhiimadda uu sharcigaan leeyahay.

Qaarkood waxa ay sheegeen in loo baahan yahay marka hore in dowladda Federaalka ah ay hesho awood ku filnaansho dhanka Isgaarsiinta ah, islamarkaana aan lagu degdegin meel marinta sharcigaasi.

Sidoo kale shacabka Qaar ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Iyo sidoo kale dowladda Federaalka ah, islamarkaana la helayo isgaarsiin maamulan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhawaan ayaa sharciga Isgaarsiinta waxa uu maray akhrintiisa Labaad, waxaana dhiman midka Sedaxaad iyo sidoo kale in cod loo qaado.

Goobjoog News