U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Dhismaha Maamulka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa aragti kala duwan waxay ka dhiibteen dhismaha maamulka Hirshabelle ee ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulkaan oo ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe ayaa shalay loo sameeyay calan, magac iyo Dastuur, waxaana dhowaan la gudageli doonaa dhismaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

C/saalaan Axmed Gabeyre wuxuu kamid yahay shacabka Muqdisho, wuxuu soo dhoweeyay dhismaha maamulkaan, isaga oo sheegay in howsha qaabka hadda ay u socoto ay tahay mid hagaagsan.

“Waxaan u arkaa Hirshabelle maamul dhismihiisu u socdo qaabkii loogu talogalay in maamul lagu dhiso, waxaan leeyahay dadaalka meeshiina kasoo wada, iska ilaaliya wax walbo oo dadka kala fogeyn kara, isku tashada oo maamulkiina gacan adag ku qabta oo wax la qeybsada maamullada kale ee Soomaaliya” ayuu yiri Gabeyre.

“Magacaygu waa Axmed Nuur Maxamed Xasan waan ku faraxsanahay maamulkaan, waa mid wax ka keeni kara xalka guud ee Soomaaliya, waxaan ka rajeyneynaa in maamulkaan uu ka shaqeeyo isku keenidda shacabka Soomaaaliyeed”

Waxaa jira shacabka qaar oo iyaguna qaba in muhiim ay ahayd in waxgaradka ka maqan shirka Jowhar la keeno si loo helo dad isku duuban oo u hagarbaxaya maamulkooda.

Goobjoog News