U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Taageeray Go’aankii Golaha Shacabka Ee Qalbi Dhagax

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo la hadlay Goobjoog News, ayaa ka aragti dhiibtay hadal uu dhowaan madaxweyne Farmaajo ku taageeray go’aankii ay golaha shacabka ka qaateen dhiibistii dowladda Itoobiya ee C/kariin Qalbi Dhagax.

Shacabkan qaarkood waxay taageereen go’aankaasi, waxaana ay sheegeen in Qalbi Dhagax uu mudnaa in dalkiisa lagu baaro, maxkamadeeyo ama lagu ciqaabo.

Sidoo kale, dadka aynu la hadalnay qaar kamid ah ayaa sheegaya in wax laga xumaado ay tahay in muddo badan kadib ay dowladda, gaar ahaan golaha shacabka iyo madaxweynaha go’aan ka gaaraan arrinta Qalbi Dhagax.

Dadka qaar ayaa qaba inaan la isku mashquulin arrinta Qalbi Dhagax, oo ay ka weyn tahay howlaha kale ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u yaalla.

Halkaan Hoose ka dhageyso:

Goobjoog News