U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Sharciga Shaqaalaha Ajaaniibta Ee Shalay Baarlamaanka Ansixiyay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen sharciga shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka howlgalada dalka, kaasi oo shalay ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkaan qaarkood oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in ay u hambalyeenayaan Baarlamaanka Soomaaliyeed, maadaama ay sharci muhiim ah ansixiyeen.

Waxay tilmaameen in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ay shaqeyn doonaan, maadaama shaqooyinkii marka hore qaban jireen muwaadiniinta ay hayeen Ajaaniib.

“Magacaygu Waa Yuusuf Cabdishakuur, sharciga ay meel mariyeen golaha Baarlamaanka waa mid wanaagsan, wadankaan waxaa xaq u leh shaqooyinkiisa shacabka Soomaaliyeed, illaa qofka Ajnabiga ah howl looga maarmi waayo ay timaado, Baarlamaankana waan ugu hambalyeenaynaa sharcigaasi ay meel mariyeen”

“Magacayga waa Muna Xuseen, waxaan u arkaa in ardayda Soomaaliyeed ay heli doonaan shaqo wanaagsan marka ay waxbarashadu dhameeyaan, waxaana ku adkeynayaa Baarlamaanka Soomaaliya in sharcigaasi uu noqdo mid dhaqan gala”

Dalka waxaa ku sugan ajaaniib badan, kuwaasi oo shaqooyin kala duwan dalka ka haya, waxaana shaqooyinka qaarkood ay qabanayaan tahay mid ay awoodaan qabashadooda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Goobjoog News