U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Xukuumadda Kheyre Iyo Xildhibaannada Diiddan

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka argti dhiibtay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo sidoo kale xildhibaannada ka tirsan golaha shacabka ee diiddan xukuumaddan.

Shacabka oo la hadlay Goobjoog waxay qaarkood ku taliyeen in la joojiyo wax walbo oo buuq dhalin kara, waxaana ay xildhibaannada ugu baaqeen in la ansixiyo wasiirada cusub, halka qaar kalena ay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo golaha wasiirada.

Aragtida shacabka

C/laahi Maxamed Kulan: Aragtida u dhaxeysa xukuumadda iyo baarlamaanka wax badan ayeey dhibeysaa, khilaaf ayaa soo socda, waxay ragaadineysaa shaqooyinka, wixii hore ayaa loo laabanayaa kan halaga qaado, kan dib haloo celiyo, xilligaan lagu jiro shacabka wuxuu sugayey dowlad waxtarta, abaarta wax ka qabata, intii waxaasi la raadinayey ayaa khilaaf yimid, waqti badan eyeeyna qaadaneysaa, shacabka iyo dalkaba khilaaf dambe uma dulqaadan karaan, Madaxweynaha, Ra’iisul waaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaan leeyahay keena wax dadka ka gadmi kara oo abaarta iyo dhibaatada ka samatabixin kara.

Cali Cumar Axmed: Waxaan dhihi karaa khilaafka soo kala dhexgalay xukuumadda iyo xubnaha baarlamaanka waxbo kama bedali karaan rajada shacabka Soomaaliyeed, shacabka wey gaarayaan rajadii iyo hadafkii ay lahaayeen, dulqaad badan ayeey muujinayaan, waxaan is leeyahay waxbo kama bedali karo khilaaf maanta yimaada, dadku wey is khilaafi karaan weyn heshiin karaan.

Maxamed Cumar Cadaawe: Waxay ila muuqataa rajada shacabka in wax weyn u dhimi karto, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waxay muddo badan kusoo dhex noolaayeen kalsooni darro, mar walbo ay is qabsadaan gole wasiiro iyo baarlamaan, laakiin xukuumaddan rajada laga lahaa haddii ansixintu khilaaf weyn ka yimaado waxaa caddaan doonta iney mari doonaan dariiqii ay mareen wasiiradii hore, aragti ahaanteyda waxaan aaminsanahay in khilaaf la keenin, golaha shacabka waxaan ka codsanayaa in sida ugu haboon, ugu nidaamsan iney u ansixiyaan xukuumadda.

Daahir Axmed Yuusuf: Annaga haddii aan nahay shacabka Soomaaliyeed waxaan muddo badan sugeynay dowlad wanaagsan oo tayo leh oo khilaafkeedu yar yahay, hadda waxaa inoo muuqda dowladdiina ineysan ka dhex muuqan dad rug caddaa ah oo aad loo yaqaanno oo aan is leenahay waxbay qaban karaan iyo khilaafkii oo hadane soo saa’idey, marka Ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsaneynaa iyo madaxweynaha in dib u eegis lagu sameeyo wasiirada cusub.

Goobjoog News