U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtey Sida Loo Maareyn Karo Lacagaha Loo Uruuriyey Dadka Abaarta Hayso

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida ugu haboon  ee loo maamuli karo qarashaadka loo uruuriyey dadka abaarta ku hayso gobollada dalka qaarkood.

Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa badi aragti ahaan dhiibtey in dadka lacagta aan kaliya raashiin loogu iibin ee sidoo kale loogu sameeyo wax soo saar, sida in xoolo loo iibiyo iyo in sidoo kale beero loo geliyo, biyo dhaanna loo sameeyo.

“Lacagtaan waxay ku haboon tahay in kaliya raashiin aan lagu iibin ee sidoo kale beero la geliyo, xoolo dadka loo iibiyo, dadka dhan walbo nolol ayeey u baahan yihiin, waana muhiim in dadka wixii loo tari karo loo sameeyo” sidaasi waxaa yiri qof kamid ah shacabka Muqdisho oo Goobjoog News la hadlay.

Qaar kale oo dadkan kamid ah ayaa sidoo kale soo jeediyey in Alle bari la sameeyo oo Allaha laga baryo inuu dalka guud ahaan ka qaado abaaraha.

Gobollada dalka waxaa ka jira abaar baahsan o sameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana jira dad harraad ugu dhintey qaar kamid ah gobollada dalka.

Waxaa jira guddi qaran oo u istaagay in shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo danqaneysa misane wax awoodda ka uruuriya wixii ay awoodaan si shacabka Soomaaliyeed ee dhibban loo gaarsiiyo.

Goobjoog News