U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ku Baaqey In La Tayeeyo Ciidanka Soomaalida Si Looga Maarmo AMISOM

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa ka aragti dhiibtey in ay suurtagal tahay in laga maarmo ciidamada AMISOM iyo in kale.

Waxay dadkan oo la hadlay Goobjoog News ay sheegeen dhammaantood in laga maarmi karo ciidamada AMISOM, balse loo baahan yahay oo kaliya in la qalabeeyo, mushaar joogta ahna la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

“Waxaa looga maarmi karaa dadka Soomaaliyeed iyaga danahooda ka tashado oo iyagu go’aan gaaraan baa looga maarmi karaa ciidamada AMISOM, waxa ay wadanka ku hayaan oo dhib ah aad baa loo ogyahay, wax ay dan inoo hayaan malahan aragtideyda, kala maqnaanshaheena ayaa keenay in AMISOM ay inoo timaado” mid kamid ah dadkii lahadlay Goobjoog ayaa sidaasi yiri.

Qof kale oo shacabka Muqdisho ka tirsan islamarkaana magaciisa ka gaabsaday ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxaan uga maarmi karnaa ciidanka Soomaaliya oo mushaarkooda la siiyo, dib loo habeeyo, waad ogtihiin AMISOM dhibaatada ay dadka u geystaan, tusaalana inoogu filan wixii ka dhacay calamada, waxay ila tahay waan ka maarmi karnaa AMISOM”

Aragtida ay dhiibanayaan dadka ayaa u muuqatey mid isku dhow, waxaana qof kale oo shacabka Muqdisho kamid ah isna uu inoo sheegay sidan“Dadka Soomaaliyeed oo isku yimaada ayaa ciidamada AMISOM looga maarmi karaa, haddii dowlad iyo jabhad yihiin iney isku yimaadaan oo ay tashadaan baa looga maarmi karaa AMISOM”

“AMISOM waxaa naloo sheegay iney na badbaadinayaan laakiinse waxaa inoo cad iney na dilayaan, waxaa nalaba haboon iney naga baxaan, adduunkana haddii uu wax inoo tarayo waa inuu qalabeeyaa ciidamadeenna”

Dowladda Burundi ayaa dhowaan shaacisey iney bilaabeyso in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya kadib markii ay waayeen mushaarkii ay ka heli jireen ciidankaasi Midowga Yurub.

Goobjoog News