U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Rajo Xumo Ka Muujiyay Magdhaw Ay AMISOM Siiso Ehlada Dadkii Ay Dileen

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aragti ka dhiibtay suurta galnimada in AMISOM ay magdhaw siiyaan ehlada dad ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Dadkaan oo aynu codbaahiyaha Goobjoog la dhex qaadnay ayaa si isku mid ah u sheegay in marnaba aysan maleysaneyn AMISOM in mag dhaw ay bixiso, waxaana qaarkood ay sheegeen in hadiiba ay dhiibayaan Magdhaw aysan marka hore dadka shacabka ah dili lahayn.

“Aniga uma maleynayo in AMISOM dad ay dileen ay ka bixinayaan diyo, waayo waxaan ognahay dad badan oo ay dileen oo aysan waxba ka bixin, sidoo kalena aysan arag wax la xisaabtama” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka aragtida dhiibtay.

Qof kale oo la hadlay Goobjoog ayaa yiri “AMISOM waxaa nabad looga heli karaa, hadii askarigeeda dila shacabka isna la toogto”

“Aragti ahaan ma u maleynayo in AMISOM ay mag dhiibto, shacab badan ayeey laayeen, tan rasaasta waxaaba ka daran dadka ay gaadiidka ku jiireen oo ay kasii carareen” sidaasina qof kale oo la hadlay Goobjoog ayaa ku aragti dhiibtay.

Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la sameeyay guddi baaritaan ku sameeya tacaddiyada AMISOM ay ka geysteen meello ka mid ah dalka, islamarkaana wixii ku cadaada ay magdhaw ka bixin doonaan.

Goobjoog News