U bood dhigaalka

Shacabka Oo Ku Dhib Qaba Burburka Waddada Isku Xirta Dabka Iyo Bakaaraha

Sheeko:Dalka

Waddada isku xirta Isgoysyada Dabka Iyo Bakaaraha ayaa burburtay isla markaana aan jirin xilligan wax gaadiid ah oo Isticmaalaya, waxaana rajo ka qabay shacabka oo dhowr bilood ka hor loo sheegay in la dhisayo.

Shacabka degan xaafadaha ku hareereysan waddadan ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan maristeeda.

Dadka ayaa sheegay in markasta loo sheego in waddada la dhisayo hadana aysan jirin wax ka rumooba ballanqaadyadii la sameeyay.

Waddada ayaa waxaa gooyay biyaha roobka, iyada oo hadda aysan jirin dadka meel ay maraan.

Goobjoog News