U bood dhigaalka

Shacabka Oo Loogu Baaqay u Gurmashada Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Lataliyaha arimaha bulshada ee wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cismaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay ugu horeen in Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar uu yahay mid umadda Soomaaliyeed dareenkooda wax badan ka bedali doono, islamarkaana ay shacabka u gurman doonaan dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah dalka Yemen.

Waxa uu sheegay Cismaan in shacabka Soomaaliyeed waajib uu ka saaran yahay inay u gurmadaan walaalahooda ku dhiban dalka Yemen, islamarkaana hadda ay joogto xilligii ficilka looga baahnaa bulshada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayuu sheegay in ay yihiin dad isku gurmada, laguna xusuusto qaabkii ay dadka isugu gurmadeen xilli abaaro ay ka dhaceen meelo ka mid ah gobalada dalka.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waa maalintii ay isku gurman lahaayeen, waa in ay u istaagaan u gurmashada shacabka dhiban, waxaad la socotaan gobalada Koonfureed qaarkood in ay abaar ka dhaceen sida Bay iyo Bakool, shacabka ayaa dadkaasi u gurmaday, waxaa loo baahan yahay in dadka ay is abaabulaan” ayuu yiri Lataliyaha dhanka arimaha Bulshada wasaaradda arimaha gudaha.

Dalka Yemen waxaa ku sugan dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ka soconaya dagaallo culus, iyadoo xusid ay mudan tahay in shacab badan oo saarnaa gaari ay ku dhinteen duqeyn ay u geysteen diyaaradaha dagaalka ee dalka Yemen.

Dagaallada Yemen

Yemen waxaa ka soconaya dagaallo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga, iyaga oo doonaya in ay difaacaan dowladda caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

Inta dagaalladaan ay socdeen waxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad badan oo Soomaali ay ku jiraan, waxaana illaa io haatan aan jirin gurmad rasmi ah oo dadkani ay heleen.

Balaqan qaadka dowladda ee Qaxootiga Yemen

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay sheegtay in maraakiib ay u direyso Yemen si ay usoo qaadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yemen, mana jirto illaa iyo haatan wax markab ah oo dowladda ay dirtay.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News, waxa uu ku sheegay in Markab ay dowladda dirtay ku xiran yahay Yemen, Laba Markab kalena ay halkaasi u dirayaan, hase ahaatee weli ma muuqato wax markab ah oo dowladda Federaalka halkaasi u dirtay.

Goobjoog News