U bood dhigaalka

Shacabka Puntland Oo Loogu Baaqay In Aysan Ku Xad Gudbin Dadka Oromada

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa ugu baaqday shacabka maamulkaasi in aanay ku xad gudbin Oromada Itoobiya oo deegaanno ka mid ah Puntland ku sugan.

Agaasimaha Qaxootiga ee wasaaraddan Burhaan Huurse Xaashi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in qaxootiga ku sugan deegaannadooda ay si nabadgalyo ah ku joogaan.

Waxa uu sheegay in shacabka la doonayo iney ixtiraamaan dadkan dalkooda kasoo barakacay, islamarkaana soo miciin badan iney yimaadaan deegaannada maamulkaasi.

Dhanka kale, waxa uu agaasimahan beeniyey in ay jirto dad Oromo ah oo lagu diley magaalada Boosaaso.

Waxaa jiray muuqaallo baraha bulshada dhex socda kuwaasi oo ah dhallinyaro Oromo lagu sheegay oo  la dilayo, lana sheegayo in lagu dilay Boosaaso.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News