U bood dhigaalka

Shacabka Soomaaliyeed Oo Ciidaya Iyo Dowladda Oo Waddo Xirasho Umadda Kula Ciidday

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka ayaa weyn looga ciidday munaasibadda Ciidul Adxa oo ah mid ka mid ah ciidaha Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, guddoomiyaha baarlamaanka iyo madax kale ayaa shacab badan kula dukaday masjidka Isbaheysiga, waxaa kaloo ay shacabka ku tukadeen dhammaan masaajidyada waaweyn ee magaalooyinka dalka.

Waddooyinka Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka waxaad ku arkeysaa caruur iyo waalid si qurxan u labisan oo ku damaashaadaya.

Dadweyne badan ayaa soo booqday Istuudiyaasha Goobjoog Media Group iyaggoo hambalyada la wadaagay ehelladooda, isla markaana abbaalmarinno ku guuleystay.

Arrinta  ugu weyn ee ciddul  Adxa iyo farxaddeeda dhibaateeyay waa dowladda Soomaaliya oo xirtay waddada ugu muhiimsan caasimadda Muqdisho ee Maka Al-Mukarrama, arrintaas oo ciqaab ku ah shacabka, kana hor imaaneysa dowladnimada iyo fududeynta adeegyada dadweynaha.