U bood dhigaalka

Shacabka Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Dardar Gelinta Qorshaha Loogu Gurmanayo Sooomaalida Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Siraad Faarax oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa shacabka waxa uu ku dhiirageliyay in ay dardar geliyaan ololaha loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in shacabka ay wadaan dadaal xoogan, islamarkaana dadaalka loo baahan yahay in uu noqdo mid mira dhala.

“Muhiim ma ahan in caalamka iyo hay’ado loo qeyliyo, shacabka dadaalka ay wadaan hasii dardargeliyaan, waxaan u arkaa tallaabada shacabka ay qaadeen mid horumar ah, dowladda iyana waxaa looga baahan yahay in kaalinteeda qaadato” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Siraad ayaa ku amaanay culimada Soomaaliyeed iyo ganacsatada dadaalka ay dhabarka ugu xirteen sidii loo soo celin lahaa dalka Yemen.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa ku sugan dalka Yemen, waxaana dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad ah in dalkooda dib loogu soo celiyo, maadaama dushooda lagu dagaallamayo.

Goobjoog News