U bood dhigaalka

Shacabka Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay In Ay Isku Gurmadaan

Sheeko:Dalka

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka in ay isku gurmadaan maadaama lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sheekha oo u waramayay Goobjoog News ayaa sheegay in Bisha Ramadaan loo baahan yahay in la kaalmeeyo dadka aan awoodin in ay afuraan.

Waxa uu tilmaamay Sheekh Maxamuud in sidoo kale ay shacabka ogaadaan dalka inay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada Yemen, islamarkaana muhiim ay tahay in dhankooda gurmad la gaarsiiyo maadaama aysan haysan wax ay ku afuraan ama deegaan intaba.

“Inaan anaga kaalmo helno oo ilaahay gargaar ka helno, dhibaatadana naga qaado hadii aan rabno waa in aan adoomada Ilaahay ee aan waxba haysan u kaalmeennaa” ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu guda jiraa bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaana jira shacab Soomaaliyeed oo aan awoodin wax ay uga baxaan bishaan, iyadoo intaasi ay sii dheertahay dadkii ka yimid Yemen oo qaarkood xaalad adag hayso.

Goobjoog News