U bood dhigaalka

Shacabka Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqey u Gurmashada Dadka Abaarta Ku Hayso Gobollada Dalka

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha ee gobolka Bari ayaa ka qeylo qaadey abaarta xooggan ee ka jirta qaar kamid ah gobollada dalka, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo kamid ah guddiga gurmadka abaaraha ee Puntland ayaa u sheegay Goobjoog News, in socdaal ay ku tageen deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Sool, Sanaag iyo Mudug, ayna kusoo arkeen xaalad adag.

Wuxuu sheegay Sheekha in dadku ay yihiin kuwo meeshii ugu adkeyd jooga, aysan haysanna dadka biyo iyo raashiin intaba, wuxuuna ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in dadkaasi u gurmadaan.

“Shacabka wanaagsan ee Soomaaliyeed, waliba qiimaha badan waxaan leeyahay isku gurmada, waxa dhibban waa walaalihiina, gacmo shisheeye waxbo haka sugina, maanta idinkaa wax isku qaban kara, qof walbo wixii uu awoodo hala soo gaaro dadka walaalihiisa ah ee abaartu ku habsatay” ayuu yiri Sheekh Daad.

Dhinaca kale Sheekh Axmed Yuusuf Daad ayaa sheegay in weli wax gurmad ah aaney ka hayn dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, isaga oo ku baaqey in dhankoodana ka qeybqaataan u gurmashada dadku abaarta ku habsatay.

Shacab badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibban deegaanno kamid ah gobollada dalka, waxaana deegaannadaasi ku habsatay abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News