U bood dhigaalka

Shacabkii Horay Uga Barakacay Degmada Qansaxdheere Ee Gobalka Baay Oo Dib Ugu Laabanaya Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Shacabkii horay uga barakacay dagaalladii ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay ayaa lagu so waramayaa in haatan ay billaabeen inay dib ugu laabtaan degmadaasi.

Gudoomiyaha Qansaxdheere Isaaq Bukud ayaa sheegay in shacabkii ugu badnaa ay hadda dib ugu soo laabteen degmada, islamarkaana ay soo dhaweyn kala kulmeen maamulkooda.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in dadka ay billaabeen inay beertaan dalagyada beeraha ee kala duwan, si noloshooda caadiga ah ay dib ula qabsadaan.

“Dadkii dib ayuu ugu soo laabanayaa degmada Qansaxdheere, waxaa hadda dhihi karnaa inta badan dadka wey yimaadeen, waxay billaabeen in dalagyo kala duwan ay beertaan, waana arrin aad loogu farxo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay Isaaq Bukud ayaa ugu dambeyn sheegay in amniga degmadaasi uu yahay mid hagaagsan, islamarkaana aad iyo aad la’isugu haleen karo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News