U bood dhigaalka

Shacabkii Ka Barakacay Dagaallada Dhuusamareeb Oo Dib Ugu Laabanaya Guryahooda

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in shacabkii shalay ka barakacay dagaalladii ka dhacay degmadaasi ay billaabeen inay dib ugu laabtaan guryahooda.

Wariyaheena Cabdiweli Tooxow oo ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in la arkayo waalidiin badan oo wada caruurtooda islamarkaana wejiyadooda ay ka muuqato xaalad adag oo dib ugu soo laabanaya degmadaasi.

Dadka ayaa kuu sheegaya in saacadihii lagu dagaallamayey degmada Dhuusamareeb ay la kulmeen dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah, islamarkaana ay mar walbo ku duceysaneen in dagaalkaasi ka joogsado.

Dhinaca kale xaaladda guud ee degmada Dhuusamareeb waa mid deggan, waxaana degmadaasi lagu arkayaa ciidamo badan oo Ahlu-sunna ka tirsan.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ahlu-sunna iyo ciidan uu wato sarkaal horay ugu soo goostay isla Ahlu-sunna ayaa habeen hore illaa shalay ka socday degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News