U bood dhigaalka

Shafiir Sheekh Axmed oo Ka Hadlay Dilkii Xalay Ka Dhacay Degmada Boondheere

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa war ka soo saaray dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kaas oo lagu dilay labo ruux oo shacab ahaa uu  toogtay askari ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya iyadoo maanta magaalada ay ruxeen dibadbaxyo ka dhashay falkaasi.

Guddoomiyaha war qoraal ah soo dhigay bartii Facebook ayaa ayaa tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado ayna cambaareynayaan dadkii shacabka ahaa ee xalay lagu dilay Muqdisho sabab ka dhalatay Bandowga la soo hormariyey Guddoomiyaha ayaa sheegay in horay ay talo ku bixiyeen in shacabka uu culays ku yahay waqtiga

Guddoomiye Shariif Sheekh ayaa yiri” Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo.

Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore.

Ugu dambeyn waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay oo aan leenahay samir iyo iimaanna allaha idinka siiyo dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo”

Waxaa maanta si weyn isoo tarayey hadalada falcelinta ah ee ka dhalatay dilkii habeenimadii xalay dil loogu geystay labo qof oo rayid ahaa kuwaas oo toogasho uu ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya wollow xabsiga la dhigay sida ay warbaahinta ay la wadaageen laamaha amniga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Goobjoog News