U bood dhigaalka

Shamsa Shumey Oo Ku Geeriyootey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootey Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan dalka.

Shamso ayaa ka tirsaneyd fanaaniinta hobollada Waaberi, waxaana la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay xanuunsaneysay.

Waxa ay Shamso qaadday heeso badan oo isugu jira, wadani iyo jaceyl, waxaana ay ka mid ahayd hablaha ugu cad cad hobollada Waaberi.

Maanta ayaa lagu wadaa in meydka Shamsa Xuseen lagu aaso magaalada Muqdisho.

Goobjoog News