U bood dhigaalka

Shan Qof Oo Gaajo Ugu Geeriyootay Deegaanno Ka Tirsan Somaliland (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Xariirad ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in Shan qof oo midi dumar tahay ay gaajo darteed ugu geeriyoodeen tuulooyin hoostaga degmadaasi, iyadoo ay jiraan dad kale oo xaalad adag ku jira.

Abiib Aw Axmed Caweeye oo ah guddoomiyaha deegaanka Xariirad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in abaartan ay ka daran tahay kuwii hore ee dalka ka dhici jiray, isaga oo sheegay in tani ay deegaannadooda saameyn weyn ku yeellatay.

Dadka dhintay ayuu sheegay in ay u dhinteen Gaajo, Harraad, halka mid ka mid ah dadaasina u dhintay caafimaad darro.

Muddo Shan Sano ah ayuu sheegay Guddoomiyaha in deegaankaasi uu uusan ka da’in roob, ayna sabab u noqotay taasi iney biyo la’aan noqdaan ceelashii biyaha iyo Waraha.

“Dhulkaan waxa uu ahaa Buuraley muddo badan cowskii ku yaallay iyo biyahii waxaa quudanayey reer Baadiye ka kala yimid Itoobiya iyo kuwa deegaanka roob la’aan jirtay muddo 5 Sano ah awgeed ayaa sababtay in dadkii iyo xoolihii ay gaajo u dhamaadaan” ayuu yiri Guddoomiye Abiib.

Sidoo kale Guuddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka deegaanka ay billaabeen inay u gurmadaan dadka ku tabaaleysan Tuullooyinka hoos yimaada degmadaasi.

Waxaa jira xoolo u badan ari oo ku dhammaaday abaartan, kadib markii ay waayeen cows iyo Biyo intaba.

Degaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka waxa ka jirta abaar baahsan taasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada.

IMG_3810 IMG_3812 IMG_3813 IMG_3821 IMG_3826

Goobjoog News