U bood dhigaalka

Shan Ruux Oo Lagu Dilay Deegaanka Xawaadley, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shan ruux oo shacab ah oo habeenkii xalay ahaa lagu diley duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Rag hubeysan ayaa jidka u galay sida la sheegay gaari ay la socdeen Shan dhallinyaro ah, kuwaasi oo kusoo jeeday dhanka magaalada Muqdisho, ayna dileen dhammaan Shantaas ruux oo rag ahaa.

Guddoomiyaha deegaanka Xawaadley, C/laahi Macaani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkaan loo diay aano qabiil islamarkaana wax ay la yaabeen ay noqotay in mar qura Shan qof la dilo.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ka maamul ahaan ay wadaan howlgallo ballaaran oo ay ku doonayaan iney kusoo qabtaan raggii dilkaasi ka dambeeyay, walow uu tilmaamay in ehlada dadkaasi qaarkood ay soo xireen.

Maalmahan dambe waxaa deegaanka Xawaadley ee Shabellaha Dhexe ka jirtay xiisad u dhaxeysa beello wada deggan deegaankaasi, iyadoo maamulka deegaankuna wadey sidii arrintaasi lagu xallin lahaa.

Goobjoog News