U bood dhigaalka

Shaqaalaha Canshuuraha Banaadir oo Tababar Loo Furey

Sheeko:Dalka

CanshuurahaWaxaa tababar 10 maalmood soconaya loo furey illaa 70 ciidamada uruuriya canshuuraha ee ka tirsan booliska Soomaaliyeed, qeybtiisa gobolka Banaadir, waxaana la barayaa tabaha canshuuraha loo uruuriyo iyo qaabka loola dhaqmo dadka laga qaadayo canshuuraha.

Taliyaha hoggaanka canshuuraha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa shaqaalahani kula dardaarmay in si degen ay canshuuraha oga qaadaan dadka ganacsatada ah oo qaarkood laga yaabo in ay diidaan ama iska dhago adkeeyaan bixinta canshuurta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dardar galineysa uruurinta canshuuraha, waxaana jira qorshe guud oo illaa golaha wasiirada oo la doonayo in xoogga la saaro uruurinta dakhliga gudaha.

Goobjoog News