U bood dhigaalka

Shaqaalaha hey’ad samafal oo Gacanta ku heysa Cisbitaalka Guud ee dhuusamareeb oo La Afduubtay

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan Yihiin Xarakada Al-Shabaab oo shalay gaari Nooca dhaawacyada qaada ah iyo dadkii saarnaa ka Afduubtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya  in Gaariga oo ay saarnaayeen 2-ruux ay la soo xiriireen dad ku war geliyay inay doonayaan un dad dhaawac ah loo qaado kadibna ay kaxaysteen iyadoo aan la ogeyn halka loola dhaqaaqay.

Shacabka Magaalada ahaa hadal haya afduubka ka dhacay Dhuusamareeb waxaana lagu soo waramayaa in dadka la Afduubtay ee saarnaa gaariga ay u shaqeynayeen hey’ad samafal oo Gacanta ku heysa Cisbitaalka Guud ee Magaalada dhuusamareeb.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa weli ka hadlin afduubkani iyo sababta keentay, waxaase warar hadda soo baxaya ay sheegayaan in raggani lala aaday meel duleedka ka xigta magaalada.