U bood dhigaalka

Shaqaalaha Iyo Bukaanada Jiifa Isbitaalka Baladweyne Oo Raashiin Gargaar ah Loo Qeybiyay

Sheeko:Dalka

Bukaanada ku jira Isbitaalka Magaalada Baladweyne iyo sidoo kale shaqaalaha isbitaalkaasi ayaa maanta waxaa loo qeybiyay raashiin gargaar ah oo ay soo dhiibtay dowladda Cumaan.

Dowladda Cumaan ayaa raashiinkaan oo isugu jira Bur, Bariis, Sokor, Baasto iyo saliid waxa ay ku wareejisay maamulka gobalka Hiiraan si dadkaasi loogu qeybiyo.

Waxaa ka faa’ideystay deeqdaan 120 qof oo isugu jira shaqaalaha iyo Bukaanka jiifa Isbitaalka Baladweyne, waxaana deeqdaan si rasmi ah dadka ugu wareejiyay duqa magaalada Baladweyne Cumar Aadan Deeqo.

Waxa uu mas’uulkaan u mahadceliyay dowladii soo dhiibtay, isaga oo sheegay in uu ahaa mid yimid xilligii loo baahnaa, islamarkaana dadka lagu wareejiyay ay yihiin dan yar.

Shaqaalaha Isbitaalka Baladweyne oo lacag la’aan ku shaqeynayay ayaa ku farxay raashiinkaan loo qeybiyay, kaasi oo ka dhigan in bisha Ramadaan inta ka dhiman ay isticmaali doonaan.

Dadka bukaanka ah ee iyaguna ku sugan Ibitaalka Baladweyne ayaa sheegay in deeqdaan raashiinka ah uu noqonayo mid wax badan ka bedalaya xaaladooda iyo waliba tan shaqaalaha Isbitaalka oo si dhib badan dadkooda ugu shaqeynayay.

Goobjoog News