U bood dhigaalka

Shaqaale Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Lagu dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka xafiiska Villa Hargeisa.

Cabdiqadir Qaasim (Goon Qaasim) waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka, waxaana lagu waday in uu wareegayo wasaaradda maaliyadda.

Rag la shaqeeynayey Qaasim oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in  lagu dilay degmada Dharkeyley,, iyaggoo intaa raaciyay in  uu horay uga tirsanaa Xildhibaannadii dowladdii Cabdiqasim Salaad Xasan.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Muqdisho, waxaa xalay nabadoon lagu dilay Xaafadda Cali Kamiin, Cismaan Kheyre, waa nabadoonkii labaad ee la dilo 24 saac gudahood.

Goobjoog News