U bood dhigaalka

Shaqaale Ka Tirsan BFS Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Kooxo hubeysan ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Cumar Dhaxalow oo ka mid ahaa shaqaalaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kooxaha dilka gestay ayaa la sheegay in ay rasaas la dhaceen gaariga uu saarnaa Cumar taasi oo keentay in uu dhinto.

Kooxaha dilka gestay ayaa goobta ka baxsaday lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gestay shaqaalahan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa maalmiihii dambe ku soo badanayey magaalada Muqdisho dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka waxaana la dilay tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan dad kor u dhaafayo tobaneeyo qof.

Goobjoog News