U bood dhigaalka

Shaqo Abuur Loo Sameynayo Dhallinyarada K/galbeed

Sheeko:Dalka

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Koofur Galbeed Jeylaani Sheekh  ayaa waxa uu sheegay in maamulka uu dadaallo ugu jiro sidii uu wax uga qaban lahaa shaqo la’aanta ka jirta deegaannada uu ka taliyo maamulkaasi.

Wasiirka oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’antahay in shaqo abuur uu u sameeyo dhallinyarada ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.

“Wasaaradda mar haddii la magacaabay waa in lala xisaabtamo si loo ogaado meesha ay xaaladuhu marayaan, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Koofur Galbeed oo xiriir la leh dowladda dhexe waxay ku guda jirtaa sidii ay shaqo abuur ay ugu sameyn laheyd dhallinyarada ku nool deegaannada Koofur Galbeed”.

Hadalka ka soo baxay wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maamulka Koofur Galbeed ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhalinyarada ku nool deegaannada uu ka arimiyo maamulkaan ay ka cabanayaan shaqo la’aan baahsan oo soo food saartay.

Goobjoog News