U bood dhigaalka

Shaqo Joojin Lagu Sameeyey  Xoghaya Joogtada Ah Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka

Sheeko:Dalka

Jamaal Qaasim Mursal oo ahaa xogheyihii joogtada ahaa ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, loona wareejiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada

Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka oo warqaddan ku saxiixan, waxaa uu cuskaday qodobo badan oo ay ka mid yihiin:

1. Wada shaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka timid dhanka xogheyaha iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda

2. Bixinta siraha muhiimka ah ee wasaaradda ee loo gudbiyo  dad kale oo ka baxsan wasaaradda

3. Ku xad-gudubka hannaanka kala sareynta shaqada iyo hab maamulka guud ee wasaaradda

4. Cabashada shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda

Dhinaca kale, ma jirto war ka soo baxay Jamaal Qaasim Mursal ee la xiriira shaqo joojinta lagu sameeyey iyo sida uu u arko eedeynta wasiirka.

Goobjoog News