U bood dhigaalka

Shaqsi Al-shabaab Ka Tirsanaa 10 Sano Oo Isku Dhiibay Jubbaland

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Cali Xasan Cabdallah oo muddo 10 sano ah ay sheegeen inuu ka mid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab.

Cali Xasan Cabdallahi waxa ayAl-shabaab u yaqaaneen Cali Muhaajir, waxaana uu ugu dambeyn go’aansadey inuu Jubbaland isku dhiibo.

Saraakiil u hadashay ciidanka Jubbaland ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen Cali Xasan, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay xubnaha kale ee Al-shabaab iney isku diibaan Jubbaland.

Cali ayaa isna dhankiisa sheegay in muddo kadib uu si iskiisa ah u go’aansaday inuu uga soo baxo Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News