U bood dhigaalka

Sharciga Batroolka Oo D. Goboleedyada Diideen Oo Laga Doodayo Iyo Wasiirka Oo Aan Wax Ka Weydiinney

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa.

Ajendaha xalay loo diray  xildhibaannada waa akhrinta sharciga Batroolka oo dhowaan ay xukuumadda federaalka ah wax ka badalkiisa soo gudbisay.

Dhinaca kale, warar ay Goobjoog  News ka heshay magaalasa Garoowe ayaa sheegay in madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada isku afgarteen in dib loo dhigo sharciga, laakin golaha ayaa muuqato in aaney arrintaas la socon.

Isniintii ayey golaha shacabka ku balansanaayeen in la akhriyo sharcigan balse waxaa uu u baaqdey kooram la’aan, taasi oo keentay in maanta mar kale la soo celiyo.

Sharciga Batroolka waxaa horay uga soo horjeestay Puntland iyo Jubbaland iyaga oo sheegay in aan lagala tashan markii hore.

Waxaa kale oo shaki laga qabaa sababta sharci horay loo ogolaadey ay wasaaradda Batroolka usoo celisay, iyada oo wax ka badalka aan cidnka kala tashan, oo isku keli yeeshay.

Goobjoog News ayaa wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed  wax ka weydiisay hannaanka sharciga Batroolka, dedejinta, kala tashi la’aanta dowlad goboleedyada iyo haddii shirkado ajnabi ku lug leeyihiin, laakin Axmed waa diiday inuu ka hadlo isaga oo yiri” Ciddii sheegtay information”kaas haloo raadiyo”.,

Goobjoog News