U bood dhigaalka

Sharciga Batroolka Waxaa uu Baabi’yey Heshiisyo Shidaal oo Ay Galeen TFG, Somaliland, Puntland iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Sharciga shidaalka ee todobaadkan ay ansixiyeen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, qodobkiisa 9aad waxaa uu sheegayaa iney waxba kama jiraan tahay heshiisyada shidaalka ee ay saxiixeen maamullo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, ama dawladihii kumeel-gaarka ahaa mudada u dhexeysa Disember1990 ilaa Setember 2012.

Qodobka 9aad: Shirkadaha Batroolka Horey uga Haystey Heshiis Dawladda Soomaaliya

  1. Dhamaan heshiisyada la xiriira batroolka ee lala saxiixday maamullo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, ama dawladihii kumeel-gaarka ahaa mudada u dhexeysa Disember1990 ilaa Setember 2012, waa waxba kama jiraan.
  2. Dhamaan heshiisyadii ay wada saxiixdeen shirkadaha ajnebiga iyo Dawladda Soomaaliya wixii ka horeeye 1991 waxaa loo tixgelinayaa inay yihiin heshiisyo jira iyagoo tixgelin wanaagsan la siinayo.

Haddaba, Goobjoog News baaritaan ay sameysay waxaa lagu ogaadey in sharciga uu baabi’inayo heshiisyo ay horay u galeen TFG-da Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo dhammaan qansaraasyo la saxiixday shirkado ajnabi ah inta u dhaxeysay 1991-2013-kii.

TFG-da Sheekh Shariif: Shirkad lagu magacaabo Tembo Petrolium ayaa sanadkii 2012-kii waxaa ay gorgortan la gashay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo dooneysey ceelal shidaal oo ku yaala Jubbaland, lama oga inuu saxiix dhacay, laakin wada hadalka xilligaas waxa auu gaaray meel fiican.

Somaliland: Somaliland waxa ay ilaa hadda saxiixdey 4 qandaraas oo shidaal laga soo bilaabo sanadkii 2008 illaa 2013-kii.

Shirkaddii ugu dambeysey ee heshiiska lala saxiixay waa tan Yemen laga leeyahay ee magaceedu yahay Ansan Wikfs taasi oo la siiyey ceelasha kala ah 14aad, 15aad iyo 7aad, waxayna bixisey $1.8 milyan doolar oo canshuur ah. Shirkadaha kale waxaa ka mid ah: Genel Energy Plc, RAK Gas LLC oo laga leeyahay Imaaraadka, tan Oslo, Norway ku taala ee DNO International ASA iyo mid Shiino laga leeyahay oo macdanta qoda.

Puntlnad: Heshiiskii shidaal ee ugu horeeyey waxa ay Puntland saxiixday sanadkii 2005 kaasi oo lala galay shirkadda Range Resources , taasi oo markii dambe heshiiska loo balaariyey lagana dhigey mid wax soo saar sanadkii 2007-dii, halkii markii hore uu ahaa baaris oo kaliya. Markani waxaa bah wadaag la noqdey shirkadda kale ee Canmex Holdig oo laga leeyahay jasiiradda Barmuuda ee Canada, waxaa kale oo qandaraas kale ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ION si ay u samayso sahan xagga badda ah, una soo uruuriso macluumaadka kheyraadka shidaalka ee gunta badda ku jira

Xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxaa jiray safaro uu maamulkiisa ugu baxay Mareykanka iyo meelo kale, laguna saxiixay heshiisyo ay ka mid yihiin warshada sifeeye shidaalka.

Galmudug : Shirkad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Liberty Petroleum oo ay leeyihiin labo nin oo walaalo ah, midkoodna uu markii dambe uu xildhibaan ka noqdey aqalka Congresska, Maraykanka oo lagu kala magacaabo Trent Franks iyo Lane Franks ay heshiis shidaal la saxiixday madaxweynihii Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid bishii Feberaayo sanadkii 2013-kii.

Heshiiskani meesha lagula galay shirkadda waxaa horey dowladdii Siyaad Barre ay ugu saxiixday shirkadda Shell ee Holland laga leeyahay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir