U bood dhigaalka

Sharciga Shaqaalaha Ajaaniibta oo Dib U Eegis Lagu Samaynayo

Sheeko:Dalka

Kadib markii dhaliilo laga keeney sharciga shaqaalaha ajaaniibta ah ee baarlamaanka uu ansixiyey dhawaan, ayaa waxaa biloowdey dadaalo dib u eegis loogu samaynayo sharcigani oo la sheegey in uu leeyahay daldaloolo aanan u wanaagsanayn Soomaaliya.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah golaha wasiirada , kaasi oo looga wada hadlayay waxyaabaha muhiimka ah ee sharcigani loo baahanyahay in laga badalo.

Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim oo hadal ka jeediyey kulan ayaa sheegay in Wasaaraddu ku talagashay in mar walba ay u gudato waajibaadka loo idmaday gudashadiiso waxaana marqaati midka aan u fadhino oo ah wax ka bedelka Sharciga shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyada sheegta in ay soo dhaweyneyso wax ka bedelka Sharcigaan ayana soo jeedineyso in ay ka muuqdaan  doorka haweenka iyo Kaalinta ay ku yeelan doonaan Dadka Baahiyaha gaar ah qaaba oo leh tixgelin gaar ah.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimha Bulshada  C/weli Ibraahim Sheekh Muudey oo furay shirka wax ka bedelka sharciga shaqaalaha Rayidka ayaa tilmaamay in aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aqoon iyo waayo-arganimo u leh sharcigaan ay ka soo shaqayn dooonaan isla markaana aya Wasaaraddu in meesha ay ka baxaan qodobada aan hada socaneynin.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin ka kala socday hay,adaha Dawlada,Saafaraha u fadhiya Magaalada Muqdisho Dalalka dibada iyo Ururo Caalami waana markii ugu horeysey wax ka bedel lagu sameeyo Sharciga Lambarkiisu Kow iyo Toban   ee Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News