U bood dhigaalka

Sheekh Shariif Oo Ku Dhawaaqista Murashaxnimada Madaxweynnimo Dib U Dhigay

Sheeko:Dalka

Sheekh Sharif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu muddo ka maqnaa dalka.

Sharif oo hadal u jeediyay taageerayaashiisa ayaa u mahadceliyay guddiga qaban-qaabada, hey’adaha amniga iyo bulshada sida ay uga qeyb qaateen soo dhaweyntiisa dhowr sano kadib uu dalka ka maqnaa.

Sheekh Sharif oo laga filayey in uu murashaxnimadiisa ku dhawaaqo ayaa taageerayaashiisa u  qabtay ballan kale uu ugu sheegayo waxa jira iyo arrimaha uu damacsan yahay.

Sharif Sheekh ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah ugu dhaqaamo murashaxnimadiisa madaxweynimo maalmaha soo socda, isagoo horay madaxweyne Soomaaliya uga ahaa 2009-2012-kii.

Imaatinka Sharif waxaa ay ku soo beegantay xilli maalin ka hor ay guddiga doorashada ee federaalka ah sheegeen in doorashada aaney ku dhici doonin waqtigii loogu talogalay.

Goobjoog News