U bood dhigaalka

Shariif Roobow “Dowladda Ayaa Dayacday Amniga Muqdisho”

Sheeko:Amniga

Korneel Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ah ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iney dayacday amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Muqdishi ay Todobaad gudahiisa ka dhacaan qaraxyo waxyeello u geystay dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya iska indho tirtay wadada saxda ah ee wax looga qaban karo ammaanka Muqdisho.

Sidoo kale, Shariif Roobow ayaa sheegay in ay jirto isla-xisaabtan la’aan oo aanay madaxda dowladda la xisaabtameyn mas’uuliyiinta dhanka amniga ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News