U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Askari Baahan Oo Qori Loo Dhiibay Waxa Uu Sameynayo Waa La Ogyahay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay qabaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobalada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in ciidamada aysan qaadan lacag mushaar ah, islamarkaana ay u dheertahay in reerkiisa uu baahi kaga soo tagay, taasi darteedna aysan suurta gal ahayn in amni uu sugo nin gadaal ka fikirayo.

Askariga ayuu tilmaamay hadii aanu haysan qarash, misane isaga oo baahan loo dhiibo qori in taasi ay suurta gal ka dhigayso in qorigaasi uu ku raadsado wixii uu quudan lahaa.

“Askari baahan oo qori loo dhiibay waxa uu sameynayo waa la ogyahay, waxaa laga filayaa in dhibaato uu geysto, meel dheer ha aadin aniga hadii aan sidaasi ahaan lahaa qalad inaan galo baa dhici lahayd” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhinaca kale hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dowladda Federaala iyo sidoo kale Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay qarashaadka ciidanka u keeni lahaayeen, dowladdana ay ahmiyadda u siin lahayd ciidamada ammaanka, Odayaashana ay qarash usoo uruuriyaan ciidamada amniga sugaya.

Goobjoog News