U bood dhigaalka

Shariif Xasan” Dhallinyarada Ka Tirsan Al-shabaab Waan Cafineynaa Haddii Ay Isa Soo Dhiibaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaallameysa Xarakada Al-shabaab inay isa soo dhiibaan, islamarkaana la cafin doono.

Waxa uu tilmaamay in xilligaan la joogo waqtigii nabadda, islamarkaana haddii dhallinyarada Soomaaliyeed kasoo baxaan Al-shabaab ay cafis u fidin doonaan ka maamul ahaan, dowladda dhexe iyo caalamkana u weydiin doonaan cafis.

“Ilmaha yar yar ee Soomaaliyeed ee la qalday waxaan ka rajeynaynaa inay inta fahmaan kasoo noqdaan oo u yimaadaan dadkooda iyo dalkooda cafisna waan u weydiineynaa dowladda Soomaaliyeed iyo caalamka intaba, waxaan leenahay noo kaalaya oo kasoo laabta cafis ayaa la idiin fidinayaan, ka shaqeeya horumarka, hadda ma ahan markii dhibka lagu shaqeynayey, hadda waa markii nabadda laga shaqeynayey, waa markii walaalnimada oo adduunyada lagu deysan lahaa” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay furi doonaa dhammaan waddooyinka xiran ee gobolka Shabellaha Hoose.

Hadalka Shariif Xasan ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ahayd uu xariga ka jaray madaxtooyada cusub Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe, islamarkaana uu sheegay in maamulkiisa halkaasi ku shaqeyn doono.

Goobjoog News