U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Jubbaland Waxaan Kala Hadalnay Awood Qeybsiga Labada Maamul”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegay in dhigiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ay ka wada hadleen arrimo ku aadan awood qeybsiga Labada maamul iyo sida looga qeybgalinayo maamuladaasi dadka Labada dhinac kasoo kala jeeda.

Waxa uu sheegay in ay isku afgarteen in dadka deggan Jubbaland ee kasoo jeeda dhanka maamulka Koonfur Galbeed qeyb laga siiyo maamulkaasi, sidoo kalena iyaguna ay qeybta kaga aadan dadka kasoo jeeda Jubbaland, balse deegaan ahaan deggan gobalada Koonfur Galbeed la siiyo xuquuqda ay maamulka ku leeyihiin.

Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay yeelan doonaan xiriir wanaagsan islamarkaana ay arrimo badan ka wada shaqeynayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu kaga soo qeybgalay shir wada tashi ah oo ay yeesheen maamul gobaleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in meel gabagabo ah ay marayso soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo dhawaan lasoo bandhigi doono.

Goobjoog News