U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Booqasho Ku Tagay Degmada Diinsoor, Tababarna Usoo Xiraya Ciidamo Booliis Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobalka Baay, halkaasi oo uu tababar ugu soo xiri doono ciidamo Booliis ah.

Shariif Xasan waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Diinsoor maamulka degmadaasi, saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka, AMISOM iyo sidoo kale shacab aad u badan.

Mar uu hadal kooban u jeediyay shacabkii soo dhaweeyay waxa uu sheegay in ugu horeen halkaasi uu u tagay ogaanshiyaha amnigeeda, maadaama dhawaan Al-shabaab halkaasi laga saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in degmada la geyn doono gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah, maadaama xaaladda halkaasi ka jirta ay tahay mid adag.

Ammaanka guud ee degmada Diinsoor gobalka Baay aad ayaa loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan ciidamo ay kuwa Itoobiya ka mid yihiin.

Goobjoog News