U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Dib u Habeyn Ku Sameynaya Ciidamada Maamulkiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran uu ku sameynayo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo wax ka qaban doona amniga gobalada maamulkaasi ka arrimiyo.

Shariif Xasan ayaa hadallo uu ka jeediyay deegaanno ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool oo socdaal ku marayay, ayuu ku sheegay in ahmiyadda ugu horeysa ee maamulkiisa tahay sugidda amniga Seddaxda gobal.

Ciidamo badan ayuu sheegay in maamulka uu yeelan doono, kuwaasi oo laga qori doono deegaannada Seddaxda gobal ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

“Waxaan dib u dhis ballaaran ku sameyn donnaa ciidamada Koonfur Galbeed, waxaana ciidamada ka qoreynaa guud ahaan deegaannada gobalada Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sharif Xasan.

Deegaanno ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool waxaa tababaro loogu sameynayaa ciidamo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ay jireen ciidamo kale oo tababaro loo soo xiray.

Goobjoog News