U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Dowladda Ka Dalbaday La Dagaalanka Al-shabaab Iyo Furista Waddooyinka Xiran

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Farmaajo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo waddooyinka isku xira Baay iyo Muqdisho, sidoo kalena lala dagaallamo Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Shariif in shacabka K/galbeed ay hadda dowladnimada u yaqaanaan iyaga oo Baydhaba wixii ay kasoo qaataan si nabad ah ula yimaada magaalada Muqdisho.

“Dadkaan baahida ay maanta qabaan ee ugu daran waa dowladnimo, waxay dowlanimadaasi dareemi karaan markii Gaari karoolla ah intey wax ku qaataan ay tagi karaan Xamar, haddii gaari Karoolla ah intey wax ku qaataan ay tagi waayaan Xamar dadkaan dowladnimada shaki badan bay ka qabaan” ayuu yiri Shariif Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha K/galbeed ayaa sheegay in codsiga ugu horreeya ee maamulkiisa u jeedinayo dowladda Federaalka ay tahay in guud ahaan Al-shabaab laga saaro dalka.

“Codsigeenna ugu horreeyo anoo ku hadlaya K/galbeed ayaa ah in dadkaan dowlad diidka ah oo jidadka gooyay oo umadda u diiday socod iyo nabad in la ciribtiro, inaad shaqadan u qabato ayeey shacabkaan idin ka sugayaan, waxaan rajeyneynaa in dowlad diidka laga adkaado oo dowladnimo la gaaro” ayuu mar kale yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa hadalkaan kahor yiri Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobjoog News