U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Ka Dalbaday Xukuumadda Federaalka Furitaanka Waddooyinka Xiran

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iney wax ka qabato waddooyinka Al-shabaab u xiran ee gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu soo qaatay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in walwalka ugu badan ee shacabka haya tahay waddooyinka xiran.

Wadada Isku xirta Baydhabo iyo Shabellaha Hoose ayuu sheegay in aysan dadku isticmaali karin, islamarkaana dadku ay raacaan diyaarad marka ay Muqdisho usoo socdaan.

“Dadka diyaarad ma raaci karaan dhammaantood, dhibka ugu weyn wuxuu ka jiraa Shabellaha Hoose, mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsanayaa inaad wax ka qabato arrintaasi haddii ay ciidan ahaan  lahayd iyo sidoo kale haddii ay arrin kale ahaan lahaydba, gobolka Sh/hoose Soomaalida oo dhan ayuu ku filan yahay balse nimankaan nabad diidka ah ayaa dadka dhibaya” ayuu yiri Shariif Xasan.

Al-shabaab ayaa xirey waddooyin badan oo ku yaalla deegaannada K/galbeed kuwaasi oo muhiim u ahaa marinka dadka shacabka ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada