U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Ku Baaqay In La Meelmariyo Xukuumadda Kheyre

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in ay meelmariyaan xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shariif Xasan oo hadal ka jeedinayey kulan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xildhibaannada baarlamaanka ay xilligaan adag ansixiyaan wasiirada, si shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo, loogana saaro dhibaatada ay qabaan.

Waxa uu tilmaamay Shariif Xasan in waqtigan la joogo aanu dalka u baahneen is qabqabsi iyo sidoo kale in lagu murmo xubnaha wasiirada loo magacaabay.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaa in xukuumaddan ansixiyaan, haddii hadda la is jiidjiido oo waqti kale ay qaadato waxaan ka cabsaneynaa in dhibaatada dalka ka jirta ay kasii darto, adduunka waxa uu doonayaa dowlad uu taageero, waqti badan baa naga soo dhacay, hadda waxaan rabnaa in waqtiga aanu dib inooga dhicin oo dalka iyo dadka loo adeego” ayuu yiri Shariif Xasan.

Hadalka madaxweynaha maamulka K/galbeed ayaa imaanaya xilli xildhibaanno kasoo jeeda deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ay sheegeen ineysan ku qanacsaneen hannaanka loo soo dhisay xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News