U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Rajo Ka Muujiyey Miro Dhalka Shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in isfaham uu kusoo dhammaado shirka ka furmi doona magaaladaasi ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Shariif ayaa sheegay in shirkaan yahay mid muhiimad gaar ah leh, isaga oo maamulka Jubbaland kaga mahadceliyey sida ay isku soo xilqaameen iyo hannaanka shirkaan ay usoo abaabuleen.

Waxa uu tilmaamay in rajo wanaagsan ay ka qabaan ka maamul ahaan in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo shirka Kismaayo, taasi oo ay u riqaayi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

“Shirkaan lagu qabanayo Kismaayo waa mid muhiimad gaar ah leh, waxaan uga mahadcelinayaa maamulka Jubbaland sida Soomaalinimada leh iyo is xilqaanka intaba, sidoo kale waxaan rajeynayaa iney kasoo baxaan natiijooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku farxaan” ayuu yiri Shariif Xasan.

Sida qorsha yahay, Axadda Berri ah waxaa Kismaayo ka furmaya Shirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana shirkaan soo qabanqaabiyey maamulka Jubbaland.

Goobjoog News