U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Sheegay Iney Bilaabayaan Howlgallada Waddo Furista

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka ay bilaabi doonaan howlgallada ay ku doonayaan iney ku furaan waddooyinka.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in si gurmad loo gaarsiiyo shacabka K/galbeed ee ku sugan deegaannd fog ay muhiim tahay in la helo waddooyinkii la mari lahaa.

“Nabad diidka waddooyinkii ay xireen diyaar baan u nahay inaan furno annaga oo kaashaneyna dowladda Federaalka Soomaaliya, waa muhiim in shacabka loo gurmado, sidaasi darteed waa iney bilowdaan howlgallada waddo furista ah” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhanka kale, madaxweynaha K/galbeed ayaa ugu baaqay shacabka kasoo jeeda deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo iney u istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen shacabka abaartu saameysay.

Al-shabaab ayaa xirey waddooyin badan oo gobollad Baay iyo Bakool ah, deegaannada qaar ma geli karaan gaadiidka.

Goobjoog News