U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Wada Hadal La Furaya Xubno Mucaaradsan Maamulkiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa doonaya in wada hadal uu la furo xubno diiddan maamulkiisa, kadib safar uu ku tagay gobalka Bakool.

Shariif Xasan ayaa safarkiisaan lagu xaqiijiyay inuu la kula hadlayay cid walba oo dhaliil u haysa maamulkiisa.

Xasan Xuseen oo ah wasiirka dhaqan celinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in madaxweyne Shariif la fariisan doono cid walba kasoo horjeedda maamulka Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha ulajeedka uu u tagay Koonfur Galbeed ayaa ah in wada hadal uu la galo cid walba oo dhaliil qabta, wax ka dhaadhiciyo waana qasab in shacabka la qanciyo maadaama iyaga aan mataleyno” ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxgarad iyo siyaasiyiin ku dhaqan degmooyin ka mid ah gobalka Bakool waxay sheegeen in aysan ka mid ahayn maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News