U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Shacabka Koonfur Galbeed Waa Iney La Shaqeeyaan Ciidanka Amniga”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobollada maamulkaasi uu ka arrimiyo iney la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Waxa uu sheegay in shacabka ay yihiin kuwa kaliya ee xogta rasmiga ah soo siin kara ciidanka ammaanka, sidaa darteedna aan laga maarmi karin wada shaqeyntooda.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa uga digay shacabka Koonfur Galbeed inay ka daba yimaadaan shaqsi ay soo xiraan ciidanka ammaanka oo lagu tuhmayo inuu yahay Al-shabaab illaa laga dhameeyo baaritaanka lagu hayo shaqsigaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay il gaar ah ku hayaan cid walba oo kusoo korota deegaannada ay ku sugan yihiin, kuna soo wargeliyaan hay’adaha amniga ku shaqada leh.

Arrintani ayaa imaaneysa xilli maalin kahor bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ay ka dhaceen qaraxyo sababay dhimashada in ku dhaw 30 ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Goobjoog News