U bood dhigaalka

Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Maanta Safar Ku Tagay Degmada Xudur Ee Bakool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif XassanMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta safar ku tagay degmada Xudur ee Gobalka Bakool isaga iyo xubno uu hogaaminaayo.

Socdaalkaan waxaa ku wehlinaaya xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, waxaana halkaasi loogu soo dhaweeyay si diiran.

Shariif Xasan ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Sidoo kale shacabka degmada Xudur ayuu kula hadlay meel fagaare ah, waxaana uu usheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in uu qaato talooyinka shacabka.

Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u balan qaaday shacabka degmada Xudur in wax badan u qaban doono, deg degna ay ku heli doonaan gargaar.

Socdaalkaa Shaariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqashadiisa ku kooban tahay maanta,waxaana ay daba socotaa qorshe uu shacabka kala tashanaayo dhameystirkaa maamulkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News