U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Waa Diyaar Xubnaha Aqalka Sare”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhankooda ay diyaariyeen xubnaha aqalka sare oo maalmahan dambe diyaarintooda ay ka socotay gobollada dalka.

Wuxuu sheegay in  ka maamul ahaan ay diyaariyeen xubnihii kaga soo aadey aqalka sare, islamarkaana maalmaha soo aadan ay u gudbin doonaan guddiga doorashooyinka dadban.

Shariif Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in sidoo kale ay ilaaliyeen qoondada haweenka, oo xubnaha ka imaanaya Koonfur Galbeed Labo Kursi oo kamid ah yihiin Haween.

“Aqalka sare in annaga agteenna waa ka dhameysan yahay, Labo maalin gudahood ayaan u gudbineynaa guddiga doorashooyinka dadban, Qoondada haweenkana waan ilaalineynaa, Labo kursi oo kamid ahna Haween baa leh, howshana sida ugu dhaqsiyaha badan bay kusoo dhammaaneysaa”

Shalay ayeey ku ekeyd mudada loogu talogalay in lagu soo gudbiyo xubnaha qalka sare, balse dib ayeey uga dhacday, waxaana guddiga doorashooyinka hadane Labo maalin oo fursad ah siiyey maamul goboleedyada dalka.

Goobjoog News