U bood dhigaalka

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

ShariifkaMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysey soo gaaray magaalada Muqdisho tan iyo intii loo doortey madaxtinimada 17-kii bishani Nofeembar.

Mar sii horeysey Shariif Xassan waxa uu saxaafadda kula hadlaya Baydhabo, wuxuuna sheegey in uu isafaham la gaaray qaar ka mid ah madaxda maamulka lixda Gobol. Waxaa hareer fadhiyey Cumar Dheere oo ku magacoownaa guddoomiyaha baarlamaanka maamulka lixda gobol, kaasi oo isna sheegey in uu ay aqbaleen wadahadalkii uu ku baaqay Shariif Xassan, Kadib markii sida uu sheegey ay shaqayn weysey fikradii lixda gobol.

Shariif Xassan oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu xilkiisa xildhibaano iska casilo, qof kalana lagu badalo booskaasi.

Goobjoog News